Al-shabaab oo weerar ku qaaday xarun Boolis, dhimasho iyo dhaawac ayaa jira

HomeWararka

Al-shabaab oo weerar ku qaaday xarun Boolis, dhimasho iyo dhaawac ayaa jira

Qarax dugsiga Booliska Janaraal Kaahiye ee degmada Xamarjajab ayaa sababay khasaare kale duwan oo soo gaaray ciidamo katirsan booliska Soomaaliya, war

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo War Culus soo saaray
Warka Arooryo iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (daawo)

Qarax dugsiga Booliska Janaraal Kaahiye ee degmada Xamarjajab ayaa sababay khasaare kale duwan oo soo gaaray ciidamo katirsan booliska Soomaaliya, wararka ayaa sheegaya 15- katirsan booliska inay ku geeriyoodeen qaraxaasi uuna jiro dhaawaca toban askari.

Weerarkan ayaa dhacay xilli ay ciidamada loo carbinayay hanaanka loo gaardiyo, iyadoo ay u diyaar garoobayaan xuska maalinta booliska Soomaaliyeed ee 20ka December.

Qofka qaraxa gaystay ayaa la sheegay inuu xirnaa jaakad qaraxa, afhayeenka howlgalada Al-shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa sheegtay kooxdooda inay fuliyeen weerarka ayna ku dileen 27-askari.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: