Al-shabaab oo weerar ku qaaday xarun Boolis, dhimasho iyo dhaawac ayaa jira

Al-shabaab oo weerar ku qaaday xarun Boolis, dhimasho iyo dhaawac ayaa jira

Qarax dugsiga Booliska Janaraal Kaahiye ee degmada Xamarjajab ayaa sababay khasaare kale duwan oo soo gaaray ciidamo katirsan booliska Soomaaliya, wararka ayaa sheegaya 15- katirsan booliska inay ku geeriyoodeen qaraxaasi uuna jiro dhaawaca toban askari.

Weerarkan ayaa dhacay xilli ay ciidamada loo carbinayay hanaanka loo gaardiyo, iyadoo ay u diyaar garoobayaan xuska maalinta booliska Soomaaliyeed ee 20ka December.

Qofka qaraxa gaystay ayaa la sheegay inuu xirnaa jaakad qaraxa, afhayeenka howlgalada Al-shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa sheegtay kooxdooda inay fuliyeen weerarka ayna ku dileen 27-askari.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com