Dowladda Somaaliya oo ka hadashay go’aankii Madaxweyne Trump

HomeWararka

Dowladda Somaaliya oo ka hadashay go’aankii Madaxweyne Trump

Dowladda Somaliya ayaa markii uhoreysay ka hadashay go’aanka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Magaalada Qudus ugu aqoonsaday iney tahay caasima

Dagaal Beleed Kaso Cusboonaaday Dalka Ethiopia iyo Dhimasho jirta
Madaxwayne Trump oo laga sugayo jawaab inuu u helo doorkii dilka Jamaal Khashojji
Soo dhaweyntii Madaxweyne Farmaajo ee Garoowe iyo shacabka Puntland (Daawo)

Dowladda Somaliya ayaa markii uhoreysay ka hadashay go’aanka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Magaalada Qudus ugu aqoonsaday iney tahay caasimad ay Isra’il leedahay.

Bayaan ka soo baxay Wasaarada arimaha dibedda Somaliya ayaa lagu canbaareeyay go’aanka Madaxweyne Trump, waxaana Mareykanka looga dalbaday inuu si dhab ah uga fiirsado halista go’aankan uu keeni karo.

Bayaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan go’aanka Maraykanka ee Magaalada Barakaysan Al-Qudus
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si dhow ula socotay, iyada oo ka walaacsan go’aanka halista ah ee uu qaatay Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump kaasoo uu ugu aqoonsaday magaalada barakaysan ee Al-Qudus in ay caasimad u tahay Israa’iil.

Waxaan ugu baaqaynaa Dowladda Maraykanka in ay si dhab ah uga fiirsato halista go’aankan uu ku leeyahay mustaqbalka dalalka Bariga Dhexe iyo guud ahaan Caalamka.

Sidoo kale, Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa dalalka Carabta, Islaamka iyo guud ahaan Caalamka in ay sii laba-laabaan dadaalkooda ku aaddan xal u helista Qadiyadda Falastiin si looga gudbo xasillooni darrada haraysay Gobolka.

Ugu dambayntii, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, dowlad iyo shacab, waxa ay la diyaar yihiin markasta taagerada iyo garab istaagga shacabka Falastiin sidii ay u hanan lahaayeen xuquuqdooda dowladnimo

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: