Madaxwayne Trump oo laga sugayo jawaab inuu u helo doorkii dilka Jamaal Khashojji

Madaxwayne Trump oo laga sugayo jawaab inuu u helo doorkii dilka Jamaal Khashojji

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la waydiiyay inuu hayo aqoonsi buuxa inuu hayo oo ku saabsan dilka wariyaha Sacuudiga ee Jamaal Kashojji iyo inuu wax kaalin ah ku lahaa dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Jamhuuriga iyo hogaamiyeyaasha Dimuqraadiga waaxdooda qaabilsan arrimaha dibadda ayaa warqad u diray Donald Trump, iyagoona dalbanaya baaritaan labaad.

Mr Trump ayaa horay u difaacay xiriirka kala dhaxeeya Mareykanka dalka Sacuudi Carabiya, inkastoo cambaarayn caalami ah loo jeedinayo falkaasi ka baxsan banii’aadantinimada.

Warqad kasoo baxday Trump ayaa horay loogu sheegay in suurtal ay tahay inuu ogaa ama uu la socon Maxamed Bin Salmaan falka dilka, balse ay dowladda Mareykana mar walba ay xoojinayso xiriirka kala dhaxeeya Sacuudi Carabiya, waxaana baaritaanka kasoo baxay CIA uu ku sheegay inaan go’aan boqolkiiba boqol aan lagu gaari karin..

Jamaal Kashoggi AUN waxaa lagu dilay gudaha qunsuliyadda Istambuul ee Sacuuiga uu ku leeyahay.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com