Xulka Kubadda Cagta Puntland oo Maanta Muqdisho u duulay (Sawiro)

HomeWararka

Xulka Kubadda Cagta Puntland oo Maanta Muqdisho u duulay (Sawiro)

Waxaa Caasimadda Puntland ee Garowe maanta ka Amba Baxay Xulka Kubadda Cagta Puntland ,kuwaas oo u duulay magaaladda Muqdisho. Waxaa garoonka kubad

Guddoomiyaha degmada Bandirbeyla oo Daljir uga waramay kormeer uu dhawaan ku tagay degmadaas Wasiir Dhabancad
BILCIL HOSPITAL CARMO: FARRIINTA WACYIGELINTA CUNTOOYINKA LAFAHA ADKEEYA
Xulashada Daljir & Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)

Waxaa Caasimadda Puntland ee Garowe maanta ka Amba Baxay Xulka Kubadda Cagta Puntland ,kuwaas oo u duulay magaaladda Muqdisho.

Waxaa garoonka kubada cagta Garowe ka sagootiyay Xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, maamulka gobolka Nugaal iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana ay qayb ka noqon doonaan Ciyaaryahanada Maamul goboleedada oo maanta gaari doona Muqdisho.

Waxaa ay wateen koobkii ay qaadeen sanadkii tagay, waxaana ay rajaynayaan in markii 2-aad ay qaadaan Koobka, iyaga oo laba farood kor u taagayay, taasi oo macnaheedu uu yahay mar labaad Koobka hantaan.

Kooxda ayaa muddo saddex bilood ah tababaro ka waday magaalada Garowe ee Caasimada Puntland, waana Koox si wayn loso xulay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: