Xulka Kubadda Cagta Puntland oo Maanta Muqdisho u duulay (Sawiro)

Waxaa Caasimadda Puntland ee Garowe maanta ka Amba Baxay Xulka Kubadda Cagta Puntland ,kuwaas oo u duulay magaaladda Muqdisho.

Waxaa garoonka kubada cagta Garowe ka sagootiyay Xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, maamulka gobolka Nugaal iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana ay qayb ka noqon doonaan Ciyaaryahanada Maamul goboleedada oo maanta gaari doona Muqdisho.

Waxaa ay wateen koobkii ay qaadeen sanadkii tagay, waxaana ay rajaynayaan in markii 2-aad ay qaadaan Koobka, iyaga oo laba farood kor u taagayay, taasi oo macnaheedu uu yahay mar labaad Koobka hantaan.

Kooxda ayaa muddo saddex bilood ah tababaro ka waday magaalada Garowe ee Caasimada Puntland, waana Koox si wayn loso xulay.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com