Ciidamada Dowladda Somaaliya iyo Alshabaab oo Hiraan ku dagaalamay

HomeWararka

Ciidamada Dowladda Somaaliya iyo Alshabaab oo Hiraan ku dagaalamay

Aroornimadii hore ee saakay ayaa waxaa deegaan duleedka ka ah degmada Matabaan ee gobolka Hiiran uu dagaal culus ku dhex maray ciidamo ka tirsan kuwa

Xildhibaan Xaamud Ismaaciil Xirsi: “Bulshada reer Puntland waa u hiilinay ka baraalamaan ahaan,
Farmaajo oo la kulmay Wasiirka arrimaha gudaha kenya
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)

Aroornimadii hore ee saakay ayaa waxaa deegaan duleedka ka ah degmada Matabaan ee gobolka Hiiran uu dagaal culus ku dhex maray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay Al-Shabaab Wadada u galeen kolonyo Ciidamada dowladda ah oo ku soo jeeday Magaalada Baladweyne kana yimid degmada Mataban ee gobolkaasi Hiiraan.

Dagaal halkaasi ka dhacay ayaan weli la ogeyn khasaaraha ka dhashay balse Al-Shabaab ayaa Warar ay ku qoreen Bogga ay ku leeyihiin Internet-ka waxa ay ku sheegeen in weerarkas ay ku dileen ilaa Saddex Askari Hal Gaarina ay ku gubeen wallow aysan jirin Warar madax banaan oo xaqiijinaya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: