Baarlamaanka Soomaaliya oo sharci darro ka dhigay dhiibistii Qalbi-dhagax

HomeWararka

Baarlamaanka Soomaaliya oo sharci darro ka dhigay dhiibistii Qalbi-dhagax

Taliyihii hore ee hay'adda sirdoonka qaranka ee NISA Cabdulaahi Sanbaloolshe ayaa dusha loo saaray kiiskii Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo ay

MADAXWEYNAHA OO WARBIXIN KA DHEGAYSTAY GUDDIGA DIB-U-HABEYNTA SHAQAALAHA DOWLADDA.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sidda ee Puntland oo amar dul-dhigtay (PSF)
Caawa & Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (MCI), Daljir Boosaaso (dhegayso)

Taliyihii hore ee hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA Cabdulaahi Sanbaloolshe ayaa dusha loo saaray kiiskii Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo ay dowladda Soomaaliya ku wareejisay dowladda Itoobiya.

Guddiga kiiskan gacanta ku hayay oo maanta hortagay baarlamaanka ayaa warbixin ay soo saareen waxaa ay ku bariyeeleen madaxda dalka ugu saraysa inay wax ka ogaayeen kiiskan, sidoo kale baarlamaanka Soomaaliya ayaa sharci darro ka dhigay dhiibistii Cabdikariin Qalbi-dhagax.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay ururka ONLF inuusan ahayn urur argagaxiso maadaama uu ku jirin liiska ururada argagaxisada ee caalamiga ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: