MADAXWEYNAHA OO WARBIXIN KA DHEGAYSTAY GUDDIGA DIB-U-HABEYNTA SHAQAALAHA DOWLADDA.

MADAXWEYNAHA OO WARBIXIN KA DHEGAYSTAY GUDDIGA DIB-U-HABEYNTA SHAQAALAHA DOWLADDA.

uddiga dib-u-habeynta Shaaqalaha Dowladda oo isugu jira Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Shaqada, iyo Shaqaalaha iyo Madaxtooyada.

Guddigan ayaa la wadaagay Madaxweynaha warbixin ku saabsan halka uu marayo, qorshaha nidaamka mushahar kordhinta shaqaalaha rayidka ah oo muddooyinkii u danbeeyay ay Guddigu ka shaqeynayeen.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqada la qabtay wuxuuna faray guddiga in dhakhso loo dhameystiro qorshahan, si mushahar kordhinta shaqaalaha ay u bilowmato Bisha January 2021.

Waa markii u horeysay mushahar kordhin la sameynayo tan iyo markii la asaasay dowladda Puntland, waxaana tani ay qeyb ka tahay siyaasadda Madaxweynaha ee tayeynta dowladdnimada.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0