HomeUncategorized

Ugu yaraan 4 carruur ah ayaa xanuunka Jadeecada ugu dhintay Baardheere, Gedo.

Ugu yaraan 4 carruur ah ayaa xanuunka Jadeecada ugu dhintay degaanno ka mid ah degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Puntland oo soo dhaweysay hawlgallada amni ee gobollada dhexe & soo gelitaanka Itoobiya ee Beladweyn.
Kenya oo Xirtay qaar kamid ah Xawaaladaha Soomaalida
M/weyne Faroole oo shir xog warran & wadatashi ah la yeeshay Issimada beesha Absame ee ku sugan Nairobi.

Baardheere, May 25 – Ugu yaraan 4 carruur ah ayaa xanuunka Jadeecada ugu dhintay degaanno ka mid ah degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Carruuraha u dhintay xanuunkan ka sokow, tiro badan oo kale oo carruur ah ayaa imika la liita xanuunkan, waxana in ka mid ah la geeyey xarumo caafimaad oo si gaar ah loo leeyahay, halka carruuro badan oo kalena lagu hayo guryaha.

Cabdi Khadar, wariye madax bannaan oo jooga magaalada Baardheere ayaa Daljir u sheegey in ay jiraan degaanno hor leh oo ka tirsan degmooyinka kale ee gobolkaas oo uu xanuunkani ka dillaacay.

Jadeecada ayaa badiyaa ka dillaaca degaanno ka mid ah gobolka Gedo xilli roobaadada, waxana imika halkaas ku yar adeegyada caafimaadka, tiiyoo colaadduna ay ka aloosantahay.

Adam Shardi Axmed
Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: