HomeUncategorized

Labo nin oo ganacsato ah oo caawa lagu dilay magaalada Boosaaso.

Caption ...

DHAGAYSO:Warkii Subaxnimo Ee Daljir_14
Wadahadalladii nabadeed ee Galkacyo oo is afgarad buuxa laga gaaray.
Musharax Cali Xaaji Warsame oo si wayn loogu soo dhoweeyey Garoowe (Dhegeyso+sawirro)


Bossaso, May, 14 – Waxaa caawa siyaabo kale duwan loogu dilay magaalada Bossaso laba nin oo ka mid ahaa ganacsatada magaalada, kuwaas oo ay dileen dabley hubaysan oo baxsaday dilka ka dib.

Labada nin ayaa lagu kala magacaabi jiray Shire Siciid C/raxman iyo C/salaam Warsme Aw-max?ed waxaana lagu dilay bartamaha magaalada fiidnimadii caawa. Dilalka ayaa dhacay wakhtiyo isu dhaw waxaana maydka labada marxuun la dhigay isbitaalka guud ee magaalada Bossaso.

Shire Siciid oo lagu naynaasi jirey (Shire Walbaq) ayaa ka mid ahaa ganacsatada Maxjarka ee xoolaha dhoofisa, waxaana uu mar soo noqday guddoomiyaha degmada Ufayn ee gobolka Bari dhismihii dawladda Puntland ka hor.

Marxuunka kale C/salaam Warsare ayaa isna ka shaqaynayey shirkadda Red-Sea oo ka mid ah shirkadaha ganacsiga ee ka hawlgala deegaanada Puntland.

Warar aan la hubin ayaa sheegaya in arrintani tahay aano qabiil, halka warar kale sheegayaan in dilalkani daba socdaan kuwa hore aan la aqoon cidda geysatay iyo sababta loo geystay midna. Mano jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo arrintaasi la xiriira oo ka soo baxay maamulka Puntland.

Dhacdo tan ka duwanna waxaa caawa magaalada Galkacyo lagu dhaawacay C/laahi maxamed jaamac oo u shaqaynayey D/hoose ee magaaladaasi, waxaana dhawaaca geystay rag hubaysan oo baxsaday.

Axmed Sh. Maxamed ?Tallman?
Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: