Shirkii Madaxda Maamul gobaleedyada & DFS oo Maalintii Labaad Galay

HomeWararka

Shirkii Madaxda Maamul gobaleedyada & DFS oo Maalintii Labaad Galay

Shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada dalka ayaa maalintii labaad galay,kaddib markii uu shalay si rasmi ah u furay Madaxweyne F

Kulan looga hadlayo amniga ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Wasiir Dhabancad:“ Agabka maanta Garowe diyaaradu ka dejisey waxaa keenta UNHCR ”
Badowga Puntland ku dhawaaqday dhaqangal ma noqon doonaa? (dhegayso)

Shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada dalka ayaa maalintii labaad galay,kaddib markii uu shalay si rasmi ah u furay Madaxweyne Farmaajo.

Shirkan oo maalintii shalay ahaa mid furitaan ah oo ay Madaxda keligood ahaayeen ayaa la filayaa maanta in looga hadlo qodobo dhowr ah oo horyaala,sida ay xaqiijiyeen xubno ku dhow dhow.

Sidoo kale waxaa la lagu wadaa in shirka maanta ay kusoo biiraan xubnaha weheliya Madaxda maamul goboleedyada maadaama shirkii shalay ay banaanka ka joogeen,kaasoo ka dhacay guriga Madaxweynaha halkaasoo ay Madaxdu ku quraacdeen.

Shirka ayaa qodobada ugu muhiimsan ee looga hadlayo ,waxaa kamid ah xalinta khilaafaadka ka dhaxeeya Dowladda dhexe iyo Maamul goboleedyada,arrimaha amniga iyo sidii la isaga kaashan lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: