Saraakisha Hay’adda Nabadsugidda oo sheegay inay soo Gudbinayaan Natiijada Qarixii Zoobe

HomeWararka

Saraakisha Hay’adda Nabadsugidda oo sheegay inay soo Gudbinayaan Natiijada Qarixii Zoobe

Agaasimaha Hay’adda Nabad sugidda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Sanbaloolshe ayaa ku dhalleeceeyey beesha caalamka gaar ahana waddamada US, UK iyo Qa

Dowladda Maraykanka iyo kenya oo balaarinaya dagaalka ka dhanka ah Alshabaab
Sacuudiga oo rajo ka muujiyay in heshiis kama dambeys laga gaaro khilafka Qatar
Maxkamdda Racfaanka gobolka Banaadir oo markale u fadhiisatay dhageysiga Kiiska Ninkii gubay Xaaskiisa

Agaasimaha Hay’adda Nabad sugidda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Sanbaloolshe ayaa ku dhalleeceeyey beesha caalamka gaar ahana waddamada US, UK iyo Qaramada Midoobay inay ka gaabiyeen inay hay’adaha amniga Soomaaliya ku caawiyaan khibrad iyo qalab farsamo si ay uga hortagaan weerarada Al-Shabab.

Sanabaloolshe ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay soo dhowaynayso garab istaaga beesha caalamka gaar ahaan kadib weerarkii dhowaan ka dhacay Muqdishu balse haddana dagaalka Al-Shabab uu u baahan yahay wax ka badan dhalleecayn iyo cambaarayn.

Agaasimaha hay’adda nabadsugidda waxa uu ku sheegay qoraalkiisa jariiradda New York Times in Soomaaliya ay u baahan tahay kaalmo dhinaca khubaradda iyo qalabka iskugu jirta, iyo weliba qaab cusub oo uu yeesho iskaashiga ay leeyihiin hay’adaha amniga Soomaaliya iyo kuwa caalamka.

Sanabloolse waxa uu muujiyey in hay’adda nabadsugidda ay caqabado ka haystaan dhinaca ka hortagga weerarrada Al-Shabab ee qaraxyada, isagoo sheegay in Al-Shabab ay si weyn u kordhiyeen isticmaalka qaraxyada iyo weliba culayska ay leeyihiin oo uu sheegay inuu ku bilowday ilaa 100 kiilo haatanna uu gaadhayo ilaa 1000 kiilo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: