Dowladda Maraykanka iyo kenya oo balaarinaya dagaalka ka dhanka ah Alshabaab

HomeWararka

Dowladda Maraykanka iyo kenya oo balaarinaya dagaalka ka dhanka ah Alshabaab

Bogga Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa lagu qoray inay Maraykanka iyo Kenya saxiixdeen Heshiis lagu xoojinayso La-dagaalanka Alshabaab, iyo Wad

Wararkii ugu dambeeyay xaaladda degaanka Masjid Cali Gaduud ee lagu dagaalamay
Taliye Xijaar: “Amniga meel xun buu marayaa, kaamirooyinkii in la qarxiyo ayaa la gaaray”
Galmudug: qof loo dilay guusha Madaxweyne deni

Bogga Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa lagu qoray inay Maraykanka iyo Kenya saxiixdeen Heshiis lagu xoojinayso La-dagaalanka Alshabaab, iyo Wadaagista Hawlaha Sirdoonka iyo xoojinta Awoodaha, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka waxay sheegtay in War-saxaafadeed ay labada dhinac si wadajir ah u soo saareen shalay oo Arbaco ahayd waxaa lagu sheegay inay labada dhinac ka go’an tahay xoojinta La-dagaalanka waxa ay ugu yeereen Argagixisadda, Difaaca, Iskaashiga Ammaanka Sirdoonka ee Baddaha iyo Is-dhaafsiga Xogaha Sirdoonka.

Dowladaha Maraykanka iyo Kenya waxay kaloo xaqiijiyeen sida ay daacadda ugu yihiin hoos-u-dhigidda Awoodda Alsshabaab iyo inay Saaxiibadda Golaha Ammaanka ee QM kala shaqeeyaan sidii cunaqabatayn loogu soo rogi lahaa Alshabaab iyo kooxaha kale ee ka hawl-gala Geeska Afrika, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Labada Waddan waxay kaloo saxiixdeen Dib-u-cusbooneysiinta Iskaashiga qorshaha wadajirka ee lagu xoojinayo xiriirka labada dal ee dhinacyadda Ammaanka Rayidka iyo dadaalka La-dagaalanka Musuqa ee ka jira dalka Kenya.

Heshiiska Maraykanka iyo Kenya oo shalay lagu kala saxiixday magaalladda Washington waxa u udaba socdaa Heshiis ay Madaxweynayayaasha Maraykanka iyo Kenya kala saxiixdeen bishii August 27-dii ee sannadkii hore ee ku aadanaa muhiimadda Xiriirka labadooda waddan u noqdo mid ku qotomo Wada-shaqayn Istaraatijiyadeed.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: