Wasiirka Maaliyada DFS oo ka Hadlay Bixinta Musharadka Shaqaalaha Dowladda

Wasiirka Maaliyada DFS oo ka Hadlay Bixinta Musharadka Shaqaalaha Dowladda

Wasiirka Maaliyada Somaliya ayaa ka hadlay tirada deymaha lagu leeyahay Somaliya iyo cabashada Shaqaalaha iyo Ciidanka dowladda ee ku aadan ineysan mudo helin Wax Mushaaraad ah.

Dr C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa sheegay in Somaliya lagu yeeshay 5 Billion oo dollar lagu yeeshay Somaliya, Dalkana lagu tiriyo kuwa ugu liito marka laga hadlayo Dalalka soo koray, Beyle ayaa sheegay in Somaliya aysan iska bixin karin lacagaha badan ee lagu leeyahay.

Hay’ada lacagta Aduunka ee IMF , Bankiga Aduunka iyo Qaramada Midoobey ayuu sheegay iney la socdaan hanaanka aan umareyno sidii nalooga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay Somaliya, Rajada ay qabaan ayuu sheegay iney tahay in meesha ugu sareyso ay gaareen oo ay noqoto in la dhoho Somaliya deyntii waa laga deynayaa, lacago Cusub oo deyn aan eheynna waa la idin siinayaa.

Dhinaca Kale waxa uu Wasiirka maaliyada Somaliya ka hadlay bixinta Mushaaraadka Shaqaalaha Dowladda iyo Ciidamada oo mararka qaar ka cabanaya ineysan Bilooyin wax Mushaar ah helin.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com