Dowladda Federaalka oo Casumaad u Fidisay Madaxda Maamul gobaleedyadda

HomeWararka

Dowladda Federaalka oo Casumaad u Fidisay Madaxda Maamul gobaleedyadda

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa casuumaad rasmi ah u dirtay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada dalka, kuwaasi oo dhowaan tagaya magaalada Muqdis

Xulashada Daljir & Xuseen Madar, Daljir Bossaso (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Xuseen Madar , Daljir Gaalkacyo (daawo)
Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Gurayaynta Puntland Faarax Cawad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa casuumaad rasmi ah u dirtay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada dalka, kuwaasi oo dhowaan tagaya magaalada Muqdisho.

Dowladda ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay sidii loo xojin lahaa wada shaqeynta u dhaxeysa dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa sheegay in casuumaad loo diray madaxda dowladda goboleedyada dalka islamarkaana ay imaanayaan Muqdisho.

“Baaqii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laah Maxamed (Farmaajo) ee ahaa midnimada iyo wadajirka in laga wada shaqeeyo, sidaasi darteed Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxay casuumaad rasmi ah u dirayaan Madaxda Dowlad Goboleedyada, si looga hadlo xiriirka iyo wadashaqeynta.” Ayuu yiri Yariisow.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: