Muwaadin Somaliyeed oo Ku Xiran Kanada & Magdhow uu dalbaday

HomeWararka

Muwaadin Somaliyeed oo Ku Xiran Kanada & Magdhow uu dalbaday

Dhibane C/raxmaan Warsame oo 54 jir ah, kuna nool magaalladda Toronto waxa uu in ka badan 5 sanno ku xirnaa Xarumaha lagu hayo dadka Qaxootiga ee mag

Ciidamo Cusub oo lagu Wareejiyeey Xarunti shalay ku dagaalameen Ciidamadda DFS
Wasiir Beyle oo ka qeyb galay Shirka deyn cafinta Soomaaliya
Wasiirka dhalinyarada iyo caayaraha Puntland oo Buhoodle ku sugan (dhegayso)

Dhibane C/raxmaan Warsame oo 54 jir ah, kuna nool magaalladda Toronto waxa uu in ka badan 5 sanno ku xirnaa Xarumaha lagu hayo dadka Qaxootiga ee magaallooyinka Toronto iyo Lidsay ee Gobalka Ontario muddadii u dhexeysay bishii May ee sannadkii 2010-kii ilaa bishii December ee sannadkii 2015-kii.

Khamisitii la soo dhaafay ayuu C/raxmaan Warsame waxa uu Maxkamadda Federalka ee dalkaasi u gudbiyey Dacwad ka dhan ah Dowladda Federalka Kanada, wuxuuna dalbaday inay Dowladad Kanada isaga siiso lacag magdhow ah oo dhan 55 million oo Dollar dhibaatadii caafimaad-darro ee xagga dhimirka ee uu kala kulmay muddadii uu ku xirnaa Xarumaha dadka lagu hayo ee dalkaasi.

C/raxmaan Warsame oo dalka Kanada tegay sannadkii 1989-kii, waxaa loo diiday codsigiisa magangelyo-doonka ahaa, inkastoo loo oggolaaday inuu iska sii joogo dalkaasi sababo dhinaca Aadminimada iyo isagoo la xanuunsanaa cuddurka Macaanka.

Dhinaca kale, Maxkamadda magaalladda OTTAWA waxay horey u qorshaysay in Dhibanahaasi loo soo masaafuri Somalia, balse, Maxkamadda Federalka ee dalkaasi ayaa amartay inaan Dhibanaha lagu celinin Somalia.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: