WFP oo Yaraynaysa Raashinkii ay Siinjirtey Qaxootiga Dhadhaab

Barnaamijka Cuntada Adduunka ee Qaramada Midoobey ayaa shalay ku dhawaaqday in ay dhimeyso 30%Raashinka ay Hay’addu siiso Qaxootiga u badan Soomaalida ee ku nool xerada Dhadhaab ee dhulka Soomaaliya ee ay Kenya maamusho.

WFP waxaa ay sheegtay in xerada ay hadda ku noolyihiin 420,000 oo Qof oo Qaxooti ah iyada oo intaas ku dartay in ay u baahan tahay lacag ka badan $28.5 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah si ay wax uga qabato cunna yarida hadda heysata.

Sarkaalad ka tirsan WFP laanteeda Kenya oo shalay Warbaahinta kula hadashay Nairobi laguna magacaabo Annalisa Conte,ayaa sheegtay in Hay’adda hadda ay heysato dhaqaale yari,baaqyo badan oo ay dirtayna ay yartahay dhinacyada ka jawaabay sidaas darteedna ay qasab ku noqotay in ay dhinto Raashinka ay bixiso.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com