Saameyn Intee Le’eg Ayey Dowladda Ku Yeelan Kartaa Mooshin Hadda Laga Keeno? (dhegayso)

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Saameyn Intee Le’eg Ayey Dowladda Ku Yeelan Kartaa Mooshin Hadda Laga Keeno? (dhegayso)

Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa mar kale u balansan maanta in ay dood ka yeeshaan arrinta Cabdikariin Shiikh Muuse (Qalbidhagax) oo ahaa sarkaal k

Wasiir hore Cabdiraxmaan Sh. Axmed, Mideeye: “Waxaa inoo harey waa doorashadii barlamaanka iyo Madaxweynaha oo kali ah”
Wasiir Siciid Maxamed Raage: “Ciidamada PSF iyo kuwa PMPF nagama amar qaataan” (dhegayso)
Wasiir Maxamed Dhabancad: “Farmaajo aragtidiisa siyaasadeed waa kicin bulsho (populism) ee ma aha mid waxqabad”

Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa mar kale u balansan maanta in ay dood ka yeeshaan arrinta Cabdikariin Shiikh Muuse (Qalbidhagax) oo ahaa sarkaal ka tirsan Jabhadda ONLF, horayna uga mid ahaa ciidamadii militariga Soomaaliya ee ka qaybgalay dagaalkii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya. Qalbidhagax ayey dowladda Federaalku ku wareejisay dowladda Itoobiya, taas oo abuurtay qalalaaso siyaasadeed oo xoog leh.

Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa qaarkood horay warbaahinta uga sheegay in ay mooshin ka keenayaan xukuumadda RW Xasan Cali Khayre oo ay ku eedeeyeen in ay muwaadin Soomaali ah u gacangelisay dowladda Itoobiya.

DFS ayaa horay u sheegtay in Cabdikariim Qalbidhagax uu ka tirsan yahay jabhadda ONLF oo dowladdu ku sheegtay koox argagaxiso ah, waddayna falal amni darro, sidaas darteedna ku wareejisay Itoobiya.

Haddaba haddii Baarlamaanku ay mooshinkan ka keenaan xukuumadda RW Khayre,  saamayn intee le’eg ayey ku yeelan kartaa dowladda Federaalka? Tan kale, ma jirtaa waddo aan ahayn mooshin oo u bannaan Baarlamaanka?

Su’aalahaasi iyo kuwa kale waxaan waydiiyey diblomaasi Maxamed Caalim oo ka faalooda siyaasadda Soomaaliya, kuna sugan Helsinki, Finland.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0