Abu Muscab oo loo magacaabay afhayeenka ciidan ee Al-shabaab & Sh. Cali Dheere oo tafaasiil ka bixiyey dagaalada maalinta 5-aad ka socda Muqdisho.

Muqdisho, July 03 – Xarakada Al-shabaab ayaa Sh. C/raxmaan Abu Muscab u magacaabay afhayeenka ciidanka Al-shabaab. Sh. Cali Dheere oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa iclaamiyey magacaabida Abu Muscab, oo sida uu sheegay caalamka la wadaagi doona khasaaraha dagaalada Muqdisho ku dhex maraya Al-shabaab & ciidanka dawlada federaalka ah. Sh. Cali Dheere ayaa eedayn iyo dhaleecayn u jeediyey dawlada federaalka ah oo uu sheegay in ay u adeegto cadawda Islaamka, ayna madaafiic ku garaaceen shacabka.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com