Weerar Ismiidaamin oo ka Dhacay Baydhabo (dhegayso)

HomeWararka

Weerar Ismiidaamin oo ka Dhacay Baydhabo (dhegayso)

Inta la xaqiijiyay laba ruux ayaa ku geeriyootay, sadex kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii ruux isku soo xiray jaakad ay ku jireen waxyaabaha q

Caawa & Daljir iyo Jaamac Cabdiraxmaan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Maxamed Ibraahin Geelle, Daljir Garowe (dhegayso)
Madaxweynaha Galmudug oo saxiixay shuruuc muhiim ah oo uu Barlamaanka Galmudug meelmariyey

Inta la xaqiijiyay laba ruux ayaa ku geeriyootay, sadex kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii ruux isku soo xiray jaakad ay ku jireen waxyaabaha qarxa markii uu isku qarxiyay maqaaxi kutaalla magaalada Baydhabo oo ay shacabku ku kulmaan galabtii iyo habeenkii.

Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Cabdi oo la hadlay radio Daljir ayaa ku eedeeyey ururka Al-shabaab inay masuul ka ahaayeen weerarkan, waxaana uu xusay inay qayb ka tahay nasiib darada haysata dhalinyarada Soomaaliyeed.

Goobta weerarka uu kadhacay ayaa horay weeraro sidaan oo kale uga dhaceen oo ay ku dhinteen dad badan oo shacab ah.

Hoos kadhagayso waraysiga.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: