Puntland iyo Galmudug oo heshiis ku gaaray Gaalkacyo

HomeWararka

Puntland iyo Galmudug oo heshiis ku gaaray Gaalkacyo

Waxaa gelinkii dambe ee maanta lasoo gabagabeeyey wadahadalo usocday maamulada Punland iyo Galmudug oo kasocday garoonka diyaaradaha Cabdulaahi Yuusuf

Warka Duhurnimo ee Daljir iyo Maxamed Lakiman (dhegayso)
Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka Nigeria iyo Indonesia (daawo)
Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)

Waxaa gelinkii dambe ee maanta lasoo gabagabeeyey wadahadalo usocday maamulada Punland iyo Galmudug oo kasocday garoonka diyaaradaha Cabdulaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo, kaasi oo looga hadlayay xalinta colaadda soo noqnoqatay ee magaalada Gaalkacyo iyo dhuldaaqsimeedka gobolka Mudug ee horay dhowr jeer dagaalo ay uga dhaceen oo dhexmaray xoolo dhaqato kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.

Labada maamul ayaa waxaa heshiiskooda matalayay xubno ay kala hogaaminayeen madaxwayne kuxigeenada Puntland iyo Galmudug, waxaana ugu dambayntii laga soo saaray qodobada hoose.

1- In laga hortago wixii keeni kara colaad iyo dagaal, lana joojiyo wixii dhaq dhaqaaq ciidan ah, lana hubiyo ciidamada labada dhan ay kala joogaan xeryahooda, si waafaqsan heshiisyadii xabad joojinta ee horey loo gaaray, lana kormeero goobaha colaaddu ka jirto.

2- Waxaa lagu baaqay, laguna heshiiyey in lays la qaato nabad, lana gaarsiiyo guud ahaan dadka reer Puntland iyo Galmudug.

3- Waxaa laysku afgartay in muddo 90 casho gudahood ah lagu qabto shirweyne dib u heshiisiineed oo lagu xalinayo dhamaan khilaafaadka Gobolka Mudug, labada maamulna ay dhisaan guddi farsamo.

4- In labada Maamul ay si dhameystiran u hirgaliyaan heshiiskii la saxiixay 22 June 2017 iyo kuwii ka horeeyeyba.
5- In la furo wadooyinka xiran, lana kormeero hirgalinta heshiisyadii xabad joojinta.

6- In la sii wado shirarka dib u heshiisiinta, lagana xisaabtamo wixii dhacdooyin laga soo bilaabo dhacdadii Balibusle, maamuladuna ay ka taageeraan fududeynta xal u helista dhacdooyinkaas.

7- In culuma’udiinka, ganacsatada iyo Jaaliyadaha Gobolku ay si firfircoon uga qayb qaataan ka shaqaynta sidii lagu gaari lahaa nabad baahsan oo ka dhalata gobolka Mudug.

8- Waxaa laysku raacay, lana dhisay guddi nabadda ka shaqeeya oo ka kooban 36 xubnood labada dhanba.

9- In Guddiga nabadda labada dhan ay ka soo shaqeeyaan xeer lagu xakameeynayo dhacdooyinka fal dambiyeedyada.

10- In fidno wade loo aqoonsado, meelna looga soo wada jeesto ciddii ka hortimaadda hirgalinta nabadda iyo dib u heshiisiinta dadka walaalahaa ee Galmudug iyo Puntland.

WABILAAHI TOWFIIQ

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: