Soomaaliya; 941 Xildhibaan iyo 377 Wasiir Waxayna Sanadkii Qaataan 27 Million oo Dollar (Warbixin)

HomeWararka

Soomaaliya; 941 Xildhibaan iyo 377 Wasiir Waxayna Sanadkii Qaataan 27 Million oo Dollar (Warbixin)

Wakiil oo ah Mareeg soo bandhigta warbixino ku saabsan dowladda iyo falanqeyn ayaa markaan soo bandhigtay warbixin lala yaabay, waxaana warbixinta lag

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay sii daysmadiisa (dhegayso)
WACAAL DARAY AH: Ciidanka Puntland oo Nugaal ku Qabtay 14 Alshabaab (sawirro)
Golaha Wasiirada Puntland Oo Kulan Xasaasi ah Yeeshay.

Wakiil oo ah Mareeg soo bandhigta warbixino ku saabsan dowladda iyo falanqeyn ayaa markaan soo bandhigtay warbixin lala yaabay, waxaana warbixinta lagu sheegay in dowladda Soomaaliya iyo maamulada dalka ka jira ay leeyihiin in ku dhow 1000 xildhibaan (941), halka wasiirada ay gaarayaan 377.

Tirada intaas la eg ayaa bil kasta mushaar ahaan u qaata lacag dhan 2.3 Milyan, halka sanadkii ay ku baxdo lacag dhan 27 Milyan oo Doolar.

67 ka mid ah 275-ta xildhibaan ee baarlamaanku waa haween haddana laga ma qayb gelin guddiga dastuurka oo la oran karo waa kan ugu muhiimsan guddiyada baarlamaanka.

Sidoo kale wareegaha Wakiil wuxuu soo gudbiyey Awood-Qaybsiga nidaamka 4.5ka iyo siday beeluhu u qaybsadeen 67da wasiir ee xukuumadan hada jirta ka fiiri hoos

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: