In ka Badan 350 Soomaali ah oo Sanadkaan Ka Cararay Waddan Yurub ah!

HomeWararka

In ka Badan 350 Soomaali ah oo Sanadkaan Ka Cararay Waddan Yurub ah!

Ugu yaraan 350 qof oo Soomaali ah ayaa sanad iyo barkii ugu danbeeyay isaga cararay Denmark ama aan la ogeyn meesha ay ku danbeeyeen, sida uu maanta s

RW Xamse oo Shir guddoomiyay kulan looga hadlayay Amniga dalka
Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole oo Garoowe ka soo dagay ( dhegayso )
Guddoomiyaha Gobalka Nugaal oo digniin Culus u diray Duqa Garoowe (Warsaxafadeed)

Ugu yaraan 350 qof oo Soomaali ah ayaa sanad iyo barkii ugu danbeeyay isaga cararay Denmark ama aan la ogeyn meesha ay ku danbeeyeen, sida uu maanta soo daabacay wargeyska Politiken oo kamid ah wargeysyada ugu waaweyn dalka Denmark.

Qaar badan oo dadkan ka mid ah ayaa qeyb ka ahaa 800 oo qof ee Soomaali ah, kuwaasoo dowlada Denmark ay sheegtay inay dib-u-qiimeyn ku sameyn doonto sharciyadooda magangalyada.

Mid kamid ah Soomaalida dadkaas oo la hadlay Politiken ayaa sheegay in uu ogyahay waxa sugaya haddii Soomaaliya lagu celiyo, sidaas darteed uu doortay inuu ku dhuumaaleysto dalkaas ama uu isaga qaxo Denmark.

Ninkan oo magaciisa kusoo gaabiyey Ibrahim ayaa sheegay in uu ka mid ahaa Soomaalida dib u qiimeynta lagu sameeyay magangalaydooda.

Maadaama aysan Soomaaliya heshiis dib-u-celin kula jirin Denmark, wey adagtahay in Denmark ay dadkaas dib ugu celiso dalkooda. Taas oo ka dhigan in aysan sii wadin karin noloshoodii caadiga aheyd ee Denmark, aana lagu celin karin dalkooda. Waxaana inta badan dib loogu celiyaa xeryo qoxooti, taasoo keenta in dad badan ay ka cararaan Denmark ama ay dalkaas gudahiisa qaab dhuumaaleysi ah ugu noolaadaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: