Qodobada Horyaal Xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya

HomeWararka

Qodobada Horyaal Xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya

Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maalintii Saddexaad oo xiriir ah  waxa ay kulan ku yeelan doonaan Magaalada Muqdis

Markab ay Isra’iil leedahay oo la weeraray
Beesha Caalamka oo walaac ka muujisay ciidamada isku urursanaya gobolka Gedo
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Baydhabo ku wajahan

Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maalintii Saddexaad oo xiriir ah  waxa ay kulan ku yeelan doonaan Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada Aqalka sare ayaa maanta waxa hortegi doona islamarkaana Warbixino ay ka dhageysan doonaan Gudiga amniga iyo Xaquuqul insaanka kaas oo loo xil saaray in ay soo baaraan duqeyntii dhawaan ka dhacday deegaanka Jilib ee Gobolka Jubbada hoose.

Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya ayaa horay u shaacisay,in duqeyn ka dhacday degmada Jilib lagu dilay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab,balse qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka Gobolka Jubbada dhexe ay sheegeen in duqeyntaas lagu dilay 7 Ruux oo hal Qoys ka koobnaa.

Sidoo kale Guddigaan ayaa waxaa horay loogu diray in baaritaano dhab ah ay ku sameeyaan dagaalkii ka dhacay deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud iyo xiisadii Maamulka hir-Shabeelle walow xiisadaas ay dowladda Soomaaliya Go’aan ka gaartay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: