Booliska Spain oo Toogtey 22 Jir Lagu Tuhmey Weerarkii Barcelona (Sawirro)

HomeWararka

Booliska Spain oo Toogtey 22 Jir Lagu Tuhmey Weerarkii Barcelona (Sawirro)

Ciidamada Booliska Spain, ayaa gelinkii dambe ee Isniintii toogasho ku dilay nin dhalinyaro ah, oo si dhow loola xiriirinayay in uu ka dambeeyay weera

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo gudi magacaabay
NISA oo sheegtay in ay gacanta ku dhigeen Sarkaal Al-shabaab ka tirsan oo ku taqasusay Qaraxyada
Waxbarta oo Xirfad Yeesha Dhallinyaroow, Waraysi Jaamici cFataax Hiirad

Ciidamada Booliska Spain, ayaa gelinkii dambe ee Isniintii toogasho ku dilay nin dhalinyaro ah, oo si dhow loola xiriirinayay in uu ka dambeeyay weerarkii Khamiistii ka dhacay Magaalada Barcelona.

Weerarkan oo gaari loo adeegsaday, ayaa ka dhacay goobta dalxiiska caanka ku ah ee Las Ramblas, waxaana ku dhintay 14 ruux, halka 120 kalena ay ku dhaawacantay. 9 ka mid ah dadka dhaawacmay waxaa la sheegay inay xaaladoodu garaab tahay.

Booliska Spain, ayaa Younes Abouyaaqoub ku toogtay magaalo yar oo lagu magacaabo Subirats, taa oo 47km dhinaca galbeed kaga toosan Magaalada Barcelona.

Younes Abouyaaqoub oo 22 jir ahaa, una dhashay dalka Morocco, ayaa waxay Saraakiisha Boolisku sheegeen in uu ku cararay beer saaran laamiga, markii uu dhegaha ka fureystay in uu isa soo dhiibo, isla-markaana uu iska furo wax looga shakiyay inuu yahay suunka walxaha qarxa ka samaysan.

SAWIRRO

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: