Madaxweyne Trump: “Ciidankeenu waa Sii Joogayaan Afgaanistaan, Argagixisadana waa Laynaynaa”

Madaxweyne Trump: “Ciidankeenu waa Sii Joogayaan Afgaanistaan, Argagixisadana waa Laynaynaa”

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in degdeg ku saaridda ciidanka dalkiisa ee ku sugan Afghanistan ay fursad siineyso ururada argagixisada ah.

Waxa uu intaa ku daray in markii hore uu ka fekerayay in ciidamada Maraykanka uu gebi ahaanba ka saaro Afghanistan, balse aanu hadda rabin inuu sameeyo khalad la mid ah kii Ciraaq.

Trump ayaa sheegay inuu ka weecanayo hannaanka waqtiga ku xiran, oo uu xoogga saarayo mid salka ku haya wax ka qabashada xaaladda Afghanistan inta ay doonta ha qaadatee.

“Maraykanku waxa uu la shaqeyn doonaa dowladda Afghanistan ilaa iyo inta laga gaarayo hormarka dalkasi,” ayuu yiri madaxweynaha.

Pakistan ayuu u digay, asagoo sheegay in Maraykanka aanu u dulqaadan doonin in dalkaasi uu “hoy u noqdo” ururada xagjirk ah.

Madaxweyne Trump oo laga filayay inuu ku dhawaaqo kordhinta tirada ciidanka ka jooga Afghanistan, ayaa arintaa ku gaabsaday, waxaana uu sheegay in aanu ka hadli doonin tirada askarta iyo qorshahooda.

Janaraalka haysta ciidamada Maraykanka ee Afghanistan ku sugan, John Nicholson, ayaa codsaday 4,000 oo askari oo dheeraad ah in dalkasi la geeyo.

Khudbada madaxweyne Trump ayaa muujinaysay inuu ka filayo dalalka xulafada la ah inay kordhiyaan askarta ka joogta Afghanistan iyo weliba kharashaadka ay ku bixiyaan ciidamadaasi.

Maraykanka ayaa dabayaaqadii 2014 si rasmi ah u joojiyay howlgalada ciidan ee ka dhanka ah ururka Taliban, balse waxaa Afghanistan ka jooga ciidan sida gaarka ah u tababaran oo kalmeeya xooggaga dalkaasi.

SOURCE-BBCSOMALI

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com