Madaxweyne Farmaajo,”Dowladda Soomaaliya Ayaa Ka Dambaysay Duqaymihii J/Dhexe”

HomeWararka

Madaxweyne Farmaajo,”Dowladda Soomaaliya Ayaa Ka Dambaysay Duqaymihii J/Dhexe”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Max’ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa amray howlgal lagu dilay 7 ka mid ah Dagaalyahanada Al-shabab

Xildhibaano Katirsan Maamulka Koonfur Galbeed oo Mooshin ka Gudbiyeey Shariif Xasan
Diinyaqaanka Somaliland oo u fadwooday Muuse Biixi: “Halkii aad nagu jihayso dadku waa ku khasbanyahay!”
Dowladda Soomaaliya oo hawadeeda ka celisay diyaarad xamùul siday oo ku soo jeedday magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Max’ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa amray howlgal lagu dilay 7 ka mid ah Dagaalyahanada Al-shababa oo ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.

Howlgalkaasi ayaa waxaa si wada jir ah u fuliyay ciidamada Ammaanka Soomaaliya oo gacan ka helaya saaxiibada caalamiga.

Dadka lagu dilay howlgalkaasi ayaa waxaa ka mid ahaa Sarkaal sare oo ururka Shabaab u qaabilsanaa abaabulka qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’antahay sidii loo ciribtiri lahaa ururka Al-shabaab, wkuwaasi oo dhibaatooyin ku haya bulshada Soomaaliyeed.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: