Madaxweynaha Puntland oo Safar Ugu Baxay Sucuudiga iyo Faahfaahin Ka Soo Baxaysa Socdaalkiisa

HomeWararka

Madaxweynaha Puntland oo Safar Ugu Baxay Sucuudiga iyo Faahfaahin Ka Soo Baxaysa Socdaalkiisa

Madaxweynaha dowladda Puntland oo saaka safar cirka ah ugu kicitimay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa lagu soo waramayaa inuu goor dhow

Mozambique oo sadex maalmood oo baroor diiq ah gashay kadib duufaanta Idai
Alshabaab oo 4 Qof Qoorta ka Goyeey Magaladda Lamu Kenya
Xulashada Daljir & Axmed Sheekeeye, Daljir Garoowe (dhegayso)

Madaxweynaha dowladda Puntland oo saaka safar cirka ah ugu kicitimay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa lagu soo waramayaa inuu goor dhoweyd diyaarad gaar ah ka raacay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso.

Madaxweyne Gaas oo ku wajahan dalka Sucuudiga ayaa lagu soo waramayaa inuu sanadkaan kamid noqon doono xujayda soo gudanaysa waajibaadka Xajka, isagoona sidoo kale kulamo lafilayo inuu la qaadan doono madaxda dalka boqortooyada Sucuudiga.

Socdaalka madaxweynaha dowladda Puntland ee Sucuudiga ayaa ku soo beegmaya xilli maalinimadii shalay dowladda Puntland ku dhawaaqday inay garab taagan tahay taageersan tahayna go’aankii Sucuudiga iyo xuluufadiisu ka qaateen wadanka Qadar.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: