Afhayeenkii Madaxtooyada Puntland oo La Dalacsiiyey (Digreeto Madaxweyne)

HomeWararka

Afhayeenkii Madaxtooyada Puntland oo La Dalacsiiyey (Digreeto Madaxweyne)

Digreeto Maanta Kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu magcaabay xeer Madaxweyne Lr.101 August

Saaka & Dunida iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim, Daljir Bossaso (dhegayso)
MARKAB SIDA SHIXNADO KALA DUWAN OO GANACSI OO MAANTA KU SOO XIRTAY DEKEDDA GARACAD.
Xulashada Daljir & Faadumo Deggan Daahir, Daljir Boosaaso (dhegayso)

Digreeto Maanta Kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu magcaabay xeer Madaxweyne Lr.101 August 16 2017 Wasiirru Dawlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Goleyaasha, Ahna Af-hayeenka Madaxtooyada Cabdullahi Maxamed Jaamac (Qudhaan Jecel).

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay:-                      Dastuurka dawladda Puntland.

Markuu tixgeliyey:-               Aqoontiisa iyo Khibradiisa Shaqo.

 

Wuxuu Xeeriyey:-

  1. Waxaa Cabdullaahi Maxamed Jaamac ( Qudhaan Jecel ) loo         magcaabay Wasiirru Dawlaha Madaxtooyada ee Xiriirka                 Goleyaasha, Ahna Af-hayeenka Madaxtooyada.
  2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu               Saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYIGELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: