HomeUncategorized

Xulka gobolka Sool oo ka baxay garoonka & guddiga ciyaaraha oo ku hawllan soo celintooda.

Garowe, Dec 22 - Xulka kubadda cagta ee gobolka Sool ayaa mar dhaweyd iska baxay garoonka iyadoo aysan wali dhammaan ciyaartii u dhaxaysay iyaga iyo

Maxaa Ka Cusub Kismaayo ?
Baahin: Salaasa, Sept 27, Weriye Maxamed C. Kuuriya ~ Daljir ~ Bossaso. Issimada Puntland oo soo gunaanaday, saxiixayna heshiiskii colaadii Galkacyo; baaq & dardaaranna u jeediyey shacabka gobolka Mudug; Banaanbax looga cabanayo maaraynta imtixaanaadkii deeqda waxbarasho ee Turkiga oo ka dhacay Badhan, Sanaag; 1,000 askari oo ka tirsan ciidanka dawlada feredaalka ah oo tababar ugu soo xirmay gobolka Gedo.
MSF oo dab ka kacay dhagaxley ku wayday kaydad daawo ah oo la adeegsan lahaa bilaha soo socda

Garowe, Dec 22 – Xulka kubadda cagta ee gobolka Sool ayaa mar dhaweyd iska baxay garoonka iyadoo aysan wali dhammaan ciyaartii u dhaxaysay iyaga iyo xulka gobolka Bari.

Wariyaasha idaacadda Daljir oo ku sugan garoonka ayaa soo sheegaya gabi ahaanba ciyaartooyga gobolka Sool in ay bannaanka uga baxeen garoonka, isla markaana haatan guddi ciyaaruhu ay ku hawllan yihiin sidii loo soo celin lahaa.

Wariyaashu waxay soo sheegayaa ka bixiddoodu in ay ka danbaysay kadib markii garsoorka ciyaartu ay ku diideen banoon birta goolka ku dhacay oo ay kooxdu ku adkaysteen in uu dhashay.

Xulka gobolka Bari ayaa hadda kaligeed dhax ciyaaraya garoonka, waxaana la filayaa isla hadda xallinta arrintaas in lagu guulaysto sida guddiga ciyaaruhu ay sheegeen.

C/fitaax Cumar Geeddi,
Idaacada Daljir. http://daljir.com/

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: