MSF oo dab ka kacay dhagaxley ku wayday kaydad daawo ah oo la adeegsan lahaa bilaha soo socda

Nairobi, January 5, 2014 – Hay?adda MSF Swiss ayaa shaacisay inay gubatay daawadii hay?adda u taalay xerada qaxootiga dhagaxley ee dalka Kenya, halkaas oo ay joogaan Soomaali qaxooti ah.

Hay?adda MSF waxay xaqiijisay in daawadu baaba?day markii uu dab ka kacay xerada qaxootiga aduunka ee Dhadhaab gaar ahaan dhagaxley, dabka ayaa qabsaday bakhaaro kaydad u ahaa hay?ada.

Dr. Abuukar Maxamed oo u hadlay MSF wuxuu xaqiijiyey in dabku baabi?yey kaydkii hay?adda ee loogu talo-galay lixda bilood ee soo socda.

Ciidamada Kenya iyo shaqaalaha hay?addaha gargaarka weliba UNHCR iyo bisha iyo dadka deegaanka ayaa qayb weyn ka qaatay daminta dabka, waxaana lagu guulaystay in dabkaas la seexiyo, sida uu sheegay Dr. Abuukar

Dabka khasaaraha dhaliyey ee ka qarxay xerada Dhagaxley lama oga ilaa hadda sababta ka dambaysay, bakhaarka hay?adda MSF iyo guryo ku dhowaa ayaa si daran u gubtay, sida aan ku helayno wararka ka imanaya deegaanka

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com