Xildhibaanada Maamulka KGS: “Shariif Xasan wuu Marinhabaabiyey Shuruucdii Maamulka, waxa uuna Samaystay Xeerar Isaga u Gaar ah” (dhegayso)

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Xildhibaanada Maamulka KGS: “Shariif Xasan wuu Marinhabaabiyey Shuruucdii Maamulka, waxa uuna Samaystay Xeerar Isaga u Gaar ah” (dhegayso)

Ugu yaraan 45 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta saxiixay mooshin kadhan ah Madaxweyne Shariif Xa

Turkiga: “Dilkii Khashoggi waxaan u haynnaa caddaymo maqal iyo muuqaal oo naxdin iyo murugo leh”
26ka Juun iyo todobaadkan & halganka SSC-Khaatumo
Madaxweyne Farmaajo: “Geeddi-socodka dowladnimadu waa mid u baahan midnimo, wadatashi iyo isutanaasul” (sawirro)

Ugu yaraan 45 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta saxiixay mooshin kadhan ah Madaxweyne Shariif Xasan Shiikh Aadan .

Xildhibaan Axmed Maxamed Cali oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Shariif Xassan Sheikh Aadan in uu marinhabaabiyay shuruucdii Maamulka Koofur Galbeed, islamarkaana uu sameystay xeerar isaga u gaar ah.

Xildhibaanada ayaa sheegay in madaxweynaha uu ugu hanjabay in aysan xilka ka qaadi karin madaama uu sheegay in ay ergo soo dooratay, waxa ayna sheegeen in ay ka dhabayn doonaan xilka qaadista madaxwenaha.

Qaar kamid aha xildhibaanada Baarlamaanka soomaaliya oo ka soo jeeda maamulkaasi ayaa taageersan mooshinka xildhibaanada Dowladda Koonfur Galbeed.

Xildhibaan Axmed Maxamed Cali waxa uu u waramay wariye Xasan Heykal, Daljir Bossaso.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: