Ciidanka Difaaaya Sh Mukhtaar Roobow oo Hub iyo Saanad Lagu wareejiyey

HomeWararka

Ciidanka Difaaaya Sh Mukhtaar Roobow oo Hub iyo Saanad Lagu wareejiyey

Wararka ka imaanaya magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa sheegaya in maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya hub iyo saanad ciidan oo aad u bada

Wafdi ka socda kenya oo u tagay Muqdisho dib u fasixida qaadka
Macalimiin Ardayda Jaamacadda Cusub ee Jariiban si bilaash wax ku bari doona (dhegayso)
Ra’iisul Wasaare Rooble oo Talisyada CXD iyo AMISOM ee Koofur Galbeed kala shiray Amniga iyo Howlgallada ka dhanka ah argagixisada.

Wararka ka imaanaya magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa sheegaya in maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya hub iyo saanad ciidan oo aad u badan ku wareejiyeen dagaalyahanada difaacaya Sheekh Muqtaar Roobow Abuu Mansuur.

Wasiirka amniga maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed iyo saraakiil ciidan ayaa lagu soo waramayaa in hub kala duwan iyo saanad ciidan ku wareejiyeen dagaalyahanada taageersan Abuu Mansuur ee dagaalka kula jira Al Shabaab.

Masuuliyiintan katirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in ay garab istaagayaan Sheekh Mutaar Roobow Abuu Mansuur oo duulaan culus kusoo qaadeen dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab.

Wasiirka amniga maamulka Koonfur galbeed Xasan Xuseen Maxamed ayaa horey sheegay in ka maamul ahaan ay ka barbar dagaalami doonaan Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo xiligan wajahaya duulaan kaga yimid Kooxdii uu horey uga tirsanaa ee Al Shabaab.

Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa Milatariga Soomaaliya ee ku sugan magaalada Xudur ayaa heegan buuxa la galiyay, waxaana suurto gal ah in ciidamadan ay gurmad u fidiyaan dagaalyahanada taabacsan Abuu Mansuur ee ku sugan deegaanka Abal ee duleedka magaalada Xudur.

Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay dagaalyahanada Al Shabaab iyo maleshiyaad taabacsan Abuu Mansuur ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday deegaanka Abal ee duleedka magaalada Xudur, waxaana dagaalkan ka dhashay khasaaro badan oo labada dhinac soo kala gaaray.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: