Baashe Maxamed oo Loo Doortay Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliland (dhegayso)

HomeWararka

Baashe Maxamed oo Loo Doortay Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliland (dhegayso)

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliland, ayaa doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka kadib markii saaka doorasho ay ka dhacday hoolka Xildhibaanada ay ku shir

Warka Arooryo iyo Xuseen Madar, Daljir Bossaso (dhegayso)
Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in loo gurmado dadka ku dhibaataysan Afgooye
Falanqeyn: Qudbadii xalay ee Farmaajo, ma ahayd qudbadii laga sugaayay? (daawo)

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliland, ayaa doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka kadib markii saaka doorasho ay ka dhacday hoolka Xildhibaanada ay ku shiraan Magaalada Hargaysa ee xarunta Somaliland.

Fadhiga Golaha Wakiilada ayaa waxaa soo xaadirtay 77 Xildhibaan, waxaana Xildhibaanada ay u kala codeeyeen Baashe Maxamed Faarax iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle.

Doorashada oo aheyd mid gacan taag ah ayaa waxaa ku soo baxay Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax, kadib markii uu helay codad gaaraya 39 cod, halka Cabdiraxmaan Talyanle uu helay codad gaaraya 38 cod.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: