Real Madrid fkf Juventus-Taariikhaha Kala Duwan ee Laga Diiwaangeliyey Kulanka Finalka CL

HomeCiyaaraha

Real Madrid fkf Juventus-Taariikhaha Kala Duwan ee Laga Diiwaangeliyey Kulanka Finalka CL

Real ayaa dadaal ugu jirta in koobkaan qaadaan markii 12-aad taariikhooda halka Juvena doonayaan in ay qaadaan koobkaan markii ugu horeysay tan iyo sa

Sports News iyo Mustafe Xuseen Yuusuf (dhegayso)
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)
Xubintii Ciyaaraha & Champions League: Indhaha Caalamka iyo Real Madrid fkf PSG? (dhegayso)

Real ayaa dadaal ugu jirta in koobkaan qaadaan markii 12-aad taariikhooda halka Juvena doonayaan in ay qaadaan koobkaan markii ugu horeysay tan iyo sanadkii 1996-dii.

* Waa kulankii 19-aad ee Champion-ka ee labadaas koox dhex maraya, waxa ay noqonayaan labada koox ee labaad ee ugu badan ee isku arka tartankaan marka laga yimaado Munich iyo Real oo 24 jeer ku kulmay Champion-ka

* Kulamada labadaan koox waxa ay kala haystaan 8 jeer oo guul ah iyadoo halka kulan ee finalka Champion-ka ay isugu yimaadeen ay badisay Real waxa ayna aheyd sanadkii 1998-dii xilligaas oo Juve looga badiyay hal gool oo nadiif ah .

* Real ayaa markii 15-aad taariikhooda u soo baxaya finalka Champion-ka mana jirto koox kale sidaas sameeyay ,11 jeer waa ay qaadeen

* Juve waa kooxda kaliya ee illaa haatan xilli ciyaareedkaan aan laga badin tartankaan Champion–ka ,waxa ay badiyeen 9 jeer halka sedex jeerna ay galeen bar bar dhac

* Real haddii ay badiyaan caawa waxa ay noqonayaan kooxdii ugu horeysay oo laba jeer ku guuleysata Champion-kaan iyo markii magaca cusub loo bixiyay

* Goolhayaha Juve ee Buffon ayaa noqonaya laacibkii labaad ee ugu da`da weyn ee ka qeyb galaya finalka Champion-ka xilli da`diisa tahay 39 sano iyo afar bil waxaana kaliya ka horeeyay Edwin van der Sar oo finalka Champion-ka ugu qeyb galay da`da 40 sano iyo 6 bil xilli ay xusid mudan tahay in Buffon ku fashilmay finaladii 2003-ka iyo 2015-kii

* Wales ayaa markii ugu horeysay marti gilineysa finalka Champion-ka halka ay tahay dalkii 17-aad ee finalka tartankaan marti gilinaya tan iyo markii uu biloowday sanadkii 1954-tii waxaana horay tartankaan Champions League loo oran jiray European Club Cup of Champions

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: