HomeUncategorized

Xisbul-Islaam oo amaro ku soo rogay Beledweyn oo ay ka arrimiyaan.

Beledweyn, Nov 25 - Maamulka Xisbul-Islaam ee ka Arrimaya magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiran ayaa amarro ku soo rogay dadka deggan magaala

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Puntland mudane Awaare oo shaaciyey in uu tartamayo (Dhegeyso)
Baahin: Isniin, Apr 11, Weriye Maxamed C. Kooshin ~ Daljir ~ Garowe. Nairobi: Shirka wada-tashiga arrimaha Soomaaliya oo berri furmaya, iyada oo ay ka maqan yihiin M/weyne Shariif & R/wasaare Farmaajo … Waftigii ugu ballaarnaa ee ka socda PL iyo QM oo kormeeraya xeebaha Nugaal iyo Karkaar … Garoowe: Aqoon-kororsi u furmay boqol ka mid ah ciidamada ammaanka Puntland, xilli ay sii badanayaan dilalka qorshaysan … Bossaso: Maamulka gobolka bari oo soo saaray awaamir lagu xakamaynayo gawaarida xamuulka … Muqdisho: Waraysi ku saabsan safaradii R/wasaare Farmaajo ee Nairobi; Eng Yariisow, afhayeenka xafiiska R/wasaare Farmaajo ayaan waraysnay …
Xog-hayaha Dowladda Hoose ee degmada Garowe oo Xilka la wareegay

Beledweyn, Nov 25 – Maamulka Xisbul-Islaam ee ka Arrimaya magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiran ayaa amarro ku soo rogay dadka deggan magaalada Beledweyn iyo nawaaxigeeda.

Amarrada maanta ay soo rogeen maamulka Xibul-Islaam ee magaalada Beledweyn ayaa ahaa kuwo lagu isku farayey dhawr arrimood oo wax looga badalayo xaaladda dhaqan iyo midda cibaado deegaannadaasi.

Isbul-Islaam, waxay Beledweyn ka mamnuuceen cunista qaadka iyo qaadashada dharka khafiifka ah, iyagoo taa badalkeedana haweenka ku amaray in ay xirtaan xijaabo waaweyn oo suurto-gal ka dhigikara dhawrista ama qarinta jirkooda oo dhan, waxaana sidoo kale ay dadka ku amreen in cibaadada la oogo gaar ahaan salaadda.

Saraakiil xagga ammaanka ah oo ka tirsan ururka Xisbul-Islaamka Beledweyn ayaa sheegay amarradaasi in ay dhaqan galayaan isla xilliga lagu dhawaaqay, waxayna intaasi ku dareen ciddii ku xad-gudubta in ay la kulmi doonaan ciwaab adag.

Inkastoo fakar iyo siyaasad ahaanba ay kala fog yihiin Al-shabaab iyo Xisbul-Islaam haddana tnta badan amarrada noocaan oo kale ah waxaa lagu yaqaanay ururka Al-shabaab, hase ahaatee hadda waxaa moodaa in ay isku waddo ku soo dhaceen marka la fiiriyo amarrada kuwaan oo kale ah.

C/fitaax Cumar Geeddi?
Idaacadda Daljir. http://daljir.com/

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: