Xog-hayaha Dowladda Hoose ee degmada Garowe oo Xilka la wareegay

Somalia, November 15, 2015 (Daljir) —Xoghayaha cusub ee mamulka dowladda hoose Garowe Cabdiqafaar Cabdiraxmaan Axmed ayaa maanta oo Axad ah xilka kala wareegay xoghayihii hore mudane Qaasim Maxamed Cabdi, ka dib munaasibad lagu qabtay xafiiska mamulka.

Duqa degmada Garowe Xasan Goodir iyo masuuliyiin kale ayaa goobjoog u ahaa xil wareejintan.

Xoghayihii hore Qaasim Maxamed Cabdi ayaa khudbad uu munaasibadda ka jeediyay wuxuu kaga hadlay waxyaabihii u qabsoomay lixdii sano ee uu xilkan hayay, wuxuna sheegay inuu meel wanaagsan gaarsiyay shaqadda mamulka dowladda hoose, iyo xoojinta mamulka xaafadaha caasumadda, Qaasim wuxuu ballan qaaday inuu si wanaagsna ula sii shaqayn doono mamulka cusub.

Xoghayaha cusub ee dowladda hoose mudane Cabdiqafaar Cabdiraxmaan Axmed ayaa u mahad celiyay dhammaan masuuliyiintii kasoo qayb galay, waxa kale uu ammaanay shaqadii uu soo qabtay xoghayihii ka horeeyay ee xilka ku wareejiyay, isagoona sheegay inay tahay shaqadda Xoghayaha mida ugu culus ee mamul kasta.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com