HomeUncategorized

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Puntland mudane Awaare oo shaaciyey in uu tartamayo (Dhegeyso)

Garoowe, aug 10, 2013 - Siyaasi Cali Cabdi Awaare oo ka mid ah siyaasiyiinta caanka ah ee Puntland ayaa maanta ku dhawaaqay in uu yahay murashax u taagan xilka madaxtinimo ee Puntland.

Puntland oo jartay xiriirkii wadda-shaqeynta ee kala dhexeeyey dowladda federaalka ah Soomaaliya
DHEGEYSO-Dhalinyarada degmada Xaafuun oo bilaabay olole nadaafadeed.
Shacabka iyo dowladda Turkiga oo ka guulaaystay ciidamadii afgambiga sameeyey.

Garoowe, aug 10, 2013 – Siyaasi Cali Cabdi Awaare oo ka mid ah siyaasiyiinta caanka ah ee Puntland ayaa maanta ku dhawaaqay in uu yahay murashax u taagan xilka madaxtinimo ee Puntland, taasi oo dhacaysa bisha janaayo ee sanadka 2014.

Shir jaraa?id oo uu maanta ku qabtay xaruunta Puntland ee Garoowe ayaa waxaa uu sharaxaad kaga bixiyey sababaha ku kalifay in uu is sharaxo, isagoo sheegay in ay jiraan saddex qodob oo waa weyn oo ay ka mid yihiin dadka oo dalbaday in uu isa soo taago.

Mudane Awaare wuxuu dib u jilaacay waxqabadkisii wakhtigii uu wasiirka ka ahaa Puntland, waayihii Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf iyo Cadde Muuse oo uu xilal kala duwan ka qabtay maamulka.

Musharaxa xilka Madaxweynimo Mudane Awaare wuxuu sheegay in uu tartami doono isagoo bulshada reer Puntland ugu baaqay ilaalinta nabada iyo in ay doortaan hugaan rasmi ah, wuxuu sheegay in uu tartami doono doorashada 8-da January ee sanadka soo socda.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

?

Dhegeyso hadalka Cali Cabdi Awaare?

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: