Daadka Siri Laanka oo 600,000 Qof Barakiciyey

HomeWararka

Daadka Siri Laanka oo 600,000 Qof Barakiciyey

Aljazeera, Sri Lanka - Daadadkii ugu xumaa, uguna xoog badnaa ayaa ku soo rogmaday dhulka hooseeya ee badda la siman ee Sri Lanka. Daadka waxaa kale o

Garacad: Riyadii rumowday & Madaxweyne Deni oo Booqday
Warka Fiidnimo Xuseen Madar, Daljir Bossaso (dhegayso)
CABDISALAAN BASHIIR: “DHAMAAN WAAN ISKA CASILAY JAGOOYINKAN KA HAYEEY MAGAALADDA BOSAASO”

Aljazeera, Sri Lanka – Daadadkii ugu xumaa, uguna xoog badnaa ayaa ku soo rogmaday dhulka hooseeya ee badda la siman ee Sri Lanka. Daadka waxaa kale oo la socda dhoobo rogmanaysa oo sida daadkii ayana xawli ku socota. Illaa hadda wuxuu daadku qaaday ama dilay 202 qof, wuxuuna barakiciyey dad ka badan nus milyan.

Sida ay soo warisay Al Jazeera, caasimadda Colombo ayaa caawa dukaamadu wada faaruq yihiin, wax kastana la iibsaday, ayada oo dadku ka welwel sanyihiin sidii iyo meeshii ay maciishad u heli lahaayeen.

“Meelaha qaar biyuhu waxay ka sarreeyaan laba qof oo la is dul saaray, meelaha qaarna waa sii maranayaan,” sidaas waxaa yiri dhibbane la hadlay Al Jazeera. Deegaanku hadda waa koronto la’aan iyo biyo la’aan, waxaana baaq cusub soo saaray xafiiska QM ee qaabilsan arrimaha bini’aadanimada.

Ciidanka badda ee Indiya ayaa soo gaarsiiyey 3 markab oo caawino ah. Sidoo kale Shiinaha iyo Japan ayana waxa ku deeqeen lacag.

Siri Laanka waqtiyada xagaaga ee xilli roobaadka mansuunka waa ku caan daadka iyo dhoobada rogmanaysaa. Sannadkii 2003 waxaa ku dhintay 250 qof, waxaana ku ba’ay in ka badan 10 kun oo guri.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

  

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: