Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Kulan La Qaatay Agaasima Waaxeedyada Wasaaradda

HomeWararka

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Kulan La Qaatay Agaasima Waaxeedyada Wasaaradda

Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Cabdiraxman Ducaale Bayle ayaa saaka kulan looga hadlayo kor u qaadida tayada shaqo ee Wasaaradda layeeshay agaasimayaa

Xulashada Daljir & Xaawo Axmed, Daljir Garoowe (dhegayso)
Wasiir Qarjab: “Saxaafada Puntland waxa ay noqotay saldhig hawada ku yaal oo kiis walba lagu qaado (dhegayso)
Ganacsatada Somaliland jaadka uga keena Itoobiya oo Shaqa joojin ku dhawaaqay

Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Cabdiraxman Ducaale Bayle ayaa saaka kulan looga hadlayo kor u qaadida tayada shaqo ee Wasaaradda layeeshay agaasimayaasha Waaxyaha, waxaana kulan ku wehliyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Prof. Cabdullahi Sheikh Cali Qaloocow iyo Xooghayaha Joogtada ah Ahmed Dayib Nuur.

ShirkA ayaa looga hadlay sidii sare looga qaadi lahaa dakhli kordhinta, iyo in dib u eegis lagu sameeyo canshuur dhaafka loo sameeyo Hay’adaha ka howlgala dalka, waxaa sidoo kale wasiirku ku booriyey shaqaalaha dekedda in shaqadooda ay laba jibaaraan islamarkaana la sameeyo qayb shaqaalaha ka mid ah oo dekedda ka howl gala habeenkii xiliyadda ay jiraan shaqooyinka dajinta badeecooyinku.

Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka shaqeeyaan shaqaale aad u faro badan loona baahan yahay in dib u eegis lagu sameeyo ku salaysan dhanka aqoontooda iyo in ay si joogta ah u yimaadaan shaqadda.

“Shaqaalaha xuquuqdooda dowladdu xil weyn ayeey iska saartay, waxaana lagama maarmaan ah in ay soo xaadiraan shaqadda xiliga lagu heshiiyey. Hadii uu jiro shaqaale fasax u baahan iyo mid arrimo kale shaqada uga maqnaanaya waxaa lagama maarmaan ah in loo eego sharci ahaan waxa u xaqa u leeyahay, waana in meesha laga saaro shaqaalahaan xiligay doonaan iska safraya” ayuu yiri Wasiir Bayle.

Ugu danbayntii Wasiirka ayaa sheegay in kulankaan uu noqon doono mid joogta ah oo dhaca usbuuc kasta, loogana gol leeyahay dar dargalinta shaqada wasaaradda iyo kobcinta dakhliga u soo xarooda dowladda.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: