Dhimashadu waa 22 Dhaawacuna 59 Qarixii Manchester (sawirro)

Dhimashadu waa 22 Dhaawacuna 59 Qarixii Manchester (sawirro)

Inta la xaqiijiyey 22 ruux oo ay ka mid yihiin carruur ayaa hadda la ogyahay in ay ku dhinteen 59 kalana ay ku dhaawacmeen weerar argagixiso looga shakisan yahay oo ka dhacay magaalada Manchester ee dalka Britain.

Goob joogayaal ah ayaa sheegay inay maqleen dhawaq xooggan markii ay dhamaadeen heeso ay goobtaasi si toos ah uga qaadeysay Ariana Grande, oo ah fanaanad caan ah oo u dhalatay dalka Mareykanka.

Boosteejada tareennada Manchester Victoria oo u dhaw goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa la xiray, waxaana la baajiyay dhammaan safaradii tareenada ee qorsheysnaa.

SAWIRRO

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com