Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Puntland HADMA oo ka Digtay Khataraha Cuduro Roobaadka

HomeWararka

Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Puntland HADMA oo ka Digtay Khataraha Cuduro Roobaadka

Garowe waxaa maanta shir jaraa’id ku qabtay Maareeyaha hay’adda musiibooyinka Puntland ee HADMA. Cabdullaahi Cabdiraxmaan Ceerow ayaa digniin ka soo s

Madaxweyne Farmaajo oo ciidamada ku dhiirigaliyey ladagaalkanka Al-shabaab iyo dib-u-xoraynta gobolada maqan (dhegayso)
2 Qof ayaa isku daldalay gobolka Gardafuu xoolo la’aan, biyo la’aan & cunto la’aan darteed
Siyaasi Siciid Faarax: “Doorshada qof & cod oo ka dhacada Puntland waxey sharaf u tahey Shacabka,”

Garowe waxaa maanta shir jaraa’id ku qabtay Maareeyaha hay’adda musiibooyinka Puntland ee HADMA. Cabdullaahi Cabdiraxmaan Ceerow ayaa digniin ka soo saaray cudurro ka dhalan kara biyaha roobka gu’ga ee ka curtay guud ahaan Puntland, kaddib abaartii dheerayd ee ku dhufatay Puntland, taasi oo sababtay dhimashada xoolo aad u badan oo weli daadsan biyoareenada.

Shir jaraa’id oo uu maanta magaalada Garowe ku qabtay ayuu ku sheegay in roobabkii gu’gu ay maaruqeen degaanno ay xoolo badan ku dhinteen xilligii abaarta,sidaasi darteedna ay tahay in taxaddar dheeri ah laga yeesho biyaha dhulkaasi fariistay,wuxuuna si gaar ah ugu digay dadka reer guuraaga ah ee inta badan ka dhaansada meelaha biyo qabatinka leh.

Maxamed Lakiman

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: