Democracy waxay u baahantahay in sharciga hortiisa lagu doodo (Qormo)

Democracy waxay u baahantahay in sharciga hortiisa lagu doodo (Qormo)

Democracy waxay u baahantahay in sharciga hortiisa lagu doodo, la isku ixtiraamo kala duwanaanshaha rayiga oo la illaaaliyo xaquuqda cidwaliba ay leedahay.

Si haddaba loo haggaajiyo geedisocodka Democraciyadda Puntland, loogana fogaado buuq siyaasadeed iyo dhiig markale daata waan in la xoojiyaaa doodaha sharciga ku salaysan, wadahadaladda siyaasadeed, is aqbalaada iyo isutanaasulka.

Sidaa darteed waxaa waqtigan aad u habboon in Madaxweyne Deni iyo Xukuumadiisu soo jeediyaan qorshaha lagu dhamaystirayo geeddisocodka isla markaaana ay ogolaadaan in mucaaradku dooddooda la dhagaysto oo la abuuro madal xal-doona si loo wada guulaysto.

Sidoo kale waxaa aad muhiim u ah in cid waliba ay ixtiraamto hay’adaha dastuuriga ah.

Ugu danbayntii waxaan soodhaweynayaa go’aankii ay qaateen siyaasiyiintii maanta gaystay gal dacwadeedka Maxkamadda Dastuuriga, waana tallaabo ilbaxnimo ah oo lagu ilaaalinayo nidaamka dawliga ah.

Rayigan aniga ayuu gaar ii yahay.

Qalinkii Faysal Khaliif Barre | Suxuufi, qoraa arrimaha siyaasadda

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com