Howlgalka la dagaalanka maandooriyaha iyo anshax xumada oo si xoogan uga socda Muqdisho.

Howlgalka la dagaalanka maandooriyaha iyo anshax xumada oo si xoogan uga socda Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa howlgal loogu magacdaray la dagaalanka Maandooriyaha iyo dhaqan xumada wajigiisii labaad xalay ka fuliyay dhowr xarumood oo kuyaala degooyinka Hodan iyo Wadajir, kuwaas oo ay isugu imaadaan dhallinyara.

Howlgalka waxa guddoomiyaha ku wehlinayay Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir talisaka Boliiska Gobolka Banaadir waxana lagu soo qabtay tiro dhalinyara ah isticmaalayay waxyaabaha maankadooriya kaa oo uu guddoomiyaha kala hadalay kana waaniyay dhalinyarada in ay joo jiyaan maandooriyaha oo dhibaata badan ku hayo shacabka soomaaliyeed.

Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maalmahan waday howlgallo ka dhan ah maandooriyaha oo qeyb weyn ka ah amni darida mar marka qaar ka dhacda degmooyinka caasimadda

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com