Dowladda Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka

HomeWararka

Dowladda Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Hon. Jibril Abdirashid Haji iyo wefti uu hoggaaminaayo oo safar shaqo ku jooga dalka Turkey, ayaa ma

Puntland oo sheegtay in ay bilaawday Baaritaano la xariira Coronavirus.
Soomaaliya oo Ka Qeyb-gashay Shirka is-dhex-galka Ganacsiga ee dalka Pakistan iyo Wadamada Afrika oo ka Furmay Magaalada Niarobi
Madaxayne Farmaajo oo ka qaybgalaya caleema saarka Erdogan

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Hon. Jibril Abdirashid Haji iyo wefti uu hoggaaminaayo oo safar shaqo ku jooga dalka Turkey, ayaa magaalada Istanbul ee dalkaas kaga qeyb galay shirka Wasiirada ee meertada 38aad ee iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga Ururka Iskaashiga wadamada Islaamka(OIC).

Shirkan oo uu shir guddoomiyey Madaxweynaha wadanka Turkey ga, ayaa ajendahiisa koowaad loogga hadlay cudurka COVID-19, hir-gelinta Istaraatijiyadda iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga ee Ururka si kor looggu qaado iskaashiga dhinacyada Ganacsiga, Beeraha, Gaadiidka, Isgaarsiinta, dhaqaalaha, isbeddelka Tiknoolajiyadda, la dagaalanka faqriga iyo kobcinta Ganacsiyada gaarka ah.
Advertisement

Ururka Iskaashiga wadamada Islaamka oo loo soo gaabiyo OIC, ayaa ah ururka labaad ee ugu ballaaran aduunka marka laga reebo Ururka Qaramada Midoobay, waxaana ururkan ku midaysan 57 wadan oo ay ka mid tahay Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: