Puntland oo sheegtay in ay bilaawday Baaritaano la xariira Coronavirus.

HomeWararka

Puntland oo sheegtay in ay bilaawday Baaritaano la xariira Coronavirus.

Wasaaradda caafimaadka Puntland, ayaa maanta oo Sabtiya garoonka diyaaradaha General Mohamed Abshir ee caasimadda Garoowe ka daahfurtay, baaritaanka d

Toban qof oo ku geeriyootay gaari la jiirsiiyay wadanka Canada
Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)
TAAGEERIYAASHA DEGMADA BOOSAASO IYO DEGAANKA GALGALA (SAWIRO)

Wasaaradda caafimaadka Puntland, ayaa maanta oo Sabtiya garoonka diyaaradaha General Mohamed Abshir ee caasimadda Garoowe ka daahfurtay, baaritaanka dadka ka imaanaya dibada, si looga hortago cudurka Corona Virus oo wadamo badan ka dilaacay.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Puntland, oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee wasaaradda, ayaa koox caafimaad ah geeyay garoonka diyaaradaha, si baaritaan loogu sameeyo dadka garoonka imaanaya kana imaanaya dalka dibadiisa. Dadka ayaa laga baarayaa cudurka Corona Virus.

Image may contain: 1 person, standing

Baaritaanka ayaa lagu bilaabay diyaarada Ethopia Airline oo rakaabkii saarnaa dhamaantood la mariyay screening lagu ogaanayo xaaladooda caafimaad.

Wasiirka Wasaaradda Puntland Jamac Farax Xasan ayaa ka hadlay sida baaritaanku u socdo“waxaan rabaa inaan shacabka reer Puntland la wadaago in dhamaan dadka soo dagaya oo imaanaya garoomada kala

duwan ee Puntland lagu samayn doono baaritaan si looga taxadaro cudurka Corona Virus” ayuu yiri Wasiirka.

Image may contain: 1 person

“Waxaa wasaaraddu diyaarisay, kooxo caafimaad oo iskugu jira dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal caafimaad, oo samayn doona baaritaan, sidoo kale waxaa wasaaraddu diyaarisay oo heegan ah dhamaan cisbitaalada waaweyn ee Puntland si hadii ay dhacdo in la helo cid laga shakiyo loogu adeego.” Ayuu sii raaciyay.

Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa soosaartay qoraal ay ku sheegtay in ay diyaar u tahay oo ay isha ku hayso Fayraska Corona oo ku fiday 18 dal oo aan Shiinaha oo Coronavirus-ku ka dillaacay uusan ku jirin.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: