Wararkii ugu dambeeyay furitaanka kal-fadhiga labaad ee Baarlamaanka labada Aqal

Wararkii ugu dambeeyay furitaanka kal-fadhiga labaad ee Baarlamaanka labada Aqal

Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu Xarunta Villa Hargeysa ka furmo Kal-fadhiga labaad ee baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya labadiisa Aqal, waxaana la filayaa in uu furo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Bilihii la soo dhaafay Xildhibaannada ayaa waxaa ay kujireen fasax, kuwaas oo qaarkood weli dalka ka maqan, hayeeshee ugu dambeyn kulan ay shalay yeesheen guddiga joogtada ee Golaha Shacabka ay ku shaaciyeen in Maanta uu furmayo Kal-fadhiga labaad ee Baarlamaanka labada Aqal.

Waxaa Magaalada Muqdisho ku sugan oo ka qeyb geli doona Kal-fadhiga labaad ee Baarlamaanka labada Aqal Guddoomiyeyaasha Golaha Wakiilada Shanta dowlad Goboleed ee kajira dalka iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in uu khudbad ka jeediyo furitaanka kal-fadhiga labaad ee Baarlamanka labada Aqal, isaga oo kaga hadli doona arrimo ay kamid yihiin howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka, Arrimaha Maaliyadda iyo siyaasadda.

Ammaanka guud ee Xarunta Madaxtooyada oo ay kutaallo Xarunta Villa Hargeysa ayaa Maanta aad loo adkeeyay, waxaana sidoo kale kulanka Maanta khudbado ka jeedin doona Guddoomiyaha golaha Shacabka & guddoomiyaha Aqalka Sare, kuxigeennadooda iyo sidoo kale Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada dowlad Goboleedyada.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com