Tirada Dadka Adduunka ku nool oo Maanta Gaartay 8 Bilyan Oo Qof!

HomeWararka

Tirada Dadka Adduunka ku nool oo Maanta Gaartay 8 Bilyan Oo Qof!

Qaramada Midoobey waxaa ay sheegtay in Cunuggii 8 bilyanaad ee Bani’adamka maanta nool uu dhashay 3 saacadood ka hor sidaasna dadka Adduunku maanta ga

Caawa & Daljir iyo Maxamed Xasan Dhalo, Daljir Boosaaso (dhegayso)
Shirkii Golaha Iskaashiga D.Goboleedyad ee Baydhaba oo Warmurtiyeed laga soo saaray
Warka Caweysin iyo Fadumo degan Daljir Bossaso (dhegayso)

Qaramada Midoobey waxaa ay sheegtay in Cunuggii 8 bilyanaad ee Bani’adamka maanta nool uu dhashay 3 saacadood ka hor sidaasna dadka Adduunku maanta gaaray 8 Bilyan oo qof.

Waxaa ay tiradan buuxsantay 11 sano kaddib markii 7 Bilyan uu gaaray Dadka Adduunka.

Waxaa ay sidoo kale sheegtay in 15 sano qaadan karto in tirada dadka gaaraan 9 Bilyan halka ilaa 2080ka ay qaadan karto in tirada dadka Adduunku gaaraan 10Bilyan oo qof.

Sawirka idin muuqda waa labadii qof ee buuxiyay tirooyinka 7 bilyan iyo lix bilyan,waxaana lagu kala magacaabaa Sadia Sultana tirada 7 bilyan xirtay una dhalatay Bangaladesh Oishee iyo Adnan Mevic oo xiray tirada 6 bilyan una dhashay Bosnia and Herzegovina.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: