Madaxweynaha Galmudug oo gudoomiyeey shirkii golaha wasiirada

HomeWararka

Madaxweynaha Galmudug oo gudoomiyeey shirkii golaha wasiirada

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada ee Dowladda Galmudug. Shirka ayaa waxaa d

GUDDOOMIYAHA DEGMADDA JARIIBAN MUUFO: “WAX CARQALAD AH OO KA DHACDAY GARACAD MAJIRTO,”(Daawo)
Gudoomiyaha Degmadda EYL oo Daljir uga Waramay Maraakib Jariif kawadda EYL (dhegayso)
Madaxweynaha Turkiga oo ku dhaawaqay in bandow lagu soo rogi doono dalkaas Maalmaha Ciida

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada ee Dowladda Galmudug.

Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga guud iyo howlgaladii u danbeeyay ee kooxaha argagaxisada ah looga saaray deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Dhinaca kale, Wasaaradaha Amiga gudaha iyo Maaliyadda ee Galmudug ayaa golaha wasiirada usoo gudbiyay hindise sharciyeedyadka sharciga ladagaalanka argagixisada, iyo Ansixinta Sharciga hubka oo horay loogu qeybiyay Golaha Wasiirada. Waxaa sidoo kale Golaha Wasiirada ay soo hordhigtay Wasaaradda Maaliyadda Galmudug Ansixinta Miisaaniyad Sanadeedka 2023 ee horay loo qaybiyay.

Dood iyo falanqeyn dheer kadib, Golaha Wasiirada ayaa cod u qaaday ansaxinta Sharciga Hubka iyo Miisaaniyadda, ayadoona lagu ansixiyay cod aqlabiyad oo gacan taag ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: